Somaliska

Gacmo furan ku soo dhawaada Rugta caafimaadka ee Friskväderstorg

Turjubaan aqoon u leh caafimaadka oo xarunta kuu joogo

Rugta caafimaadka dadweynaha iyo caruurta ee Friskväderstorg  waxay idin haysaa dhakhaatiir ku soo takhasusay cudurada guud. Waxaa kale oo ay idin haysaa tarjubaan aqoon u leh caafimaadka oo rugta joogo.

Waxay nala tahay in aad xaq u leedahay dhakhtar adiga kuu qaas ah iyo turjubaan mar warbo kuu joogo goobta markii aad soo booqaneysid– qof markii aad timaado aad taqaanid, yaqaanana xaaladaada.  Taasi oo kuu sii socodsiineysaa kuuna abuureyso nabadgelyo iyo si aad u hesho marxalad nololeed. Sidaas darteed waxaan shaqaaleynay turjubaano carab ah, somali ah iyo kurdi.

Anigoo ah turjubaanka aqoon u leh caafimaadka Hussein Abdi Alasow, waxaa joogaa maalmaha soo socdo:
Isniin:  08:00-16:30
Arbaco:   08:00-16:30
Khamiis:  08:00-12:00

Xataa maalmaha kale waan idin imaan karaa hadii ay laga ma maarmaan ay noqoto. Waxaan ku dadaalaynaa in aan ku siino adeega dadweynaha mida ugu fiican.
Maalmaha uu furun yahay Rugta caafimaadka iyo caruurta (Vårdcentral och BVC):
Maalmaha caadiga ah: 08:00-17:00
Sabtida iyo Axada (Fasaxyada): Waa uu xiran yahay

Gagaarka Deg dega ah?
Halkan waxaad ka helaysaan caawinaad habeen iyo maalmaha festooyinka ah!
Waxaan la shaqeynaa gargaarka deg dega ah ee Hising (Hisingsakuten) oo ku yaala xarunta dhexe caafimaadka ee Brämaregården oo ku yaala Virvelvindsgatan 8A

Waxey Furan yihiin:
Maalmaha shaqada:  saacada 17:00—22:00
Sabtida/Axada iyo maalmaha festooyinka ah  saacada 10:00—16:00

Bukaan socotada lacata uu bixinayo:
Markii aad tagtid gargaarka deg dega ee Hising qiimaha waa 100 koron
Laakiin hadii aad meel kale aad gargaar u raadsato waxaad bixineysaa 300 koron
Habeenkii waxaa heegan kuu ah Jourcentralen Gamlastadstorg oo furan 22:00-08:00 iyo xataa maalmaha festooyinka.
Goobta uu ku yaalo: Gamlestadsvägen 4